Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Gaadiidka dowladda Israa’iil Yisrael Katz ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Israa’iil ay qeybta ugu horeysa ka galayso la dagaalanka kooxaha Soomaalida ah ee afduubta Maraakiibta maraysa xeebaha wadankaasi.
Wasiirkaasi Gadiidka Badda u qaabilsan xukumada Yuhuuda Yisrael Katze ayaa ku goodiyay in dhammaan ay ka guulaysanayaan kooxahaasi Soomaalida ah oo uu ku tilmaamay kuwa kala xayiray ganacsiga caalamka.
Wasiirkaasi ayaa Hadalkan ka jeediyay kulan looga hadlayay arimaha Xiriirka Dakadaha iyo Gaadiidka kaasi oo ka dhacay Wadankaasi Israa’iil iyadoo ay tilmaameen saraakiishii ka qeybgashay kulankaasi in soomaaliya ay dhibaata xagga xiriirka caalamka ku hayso dunida inteeda kale.
Hadalkan ka soo baxay mid ka mida wasiirada Dowlada Israa’iil ayaa imaanaya xilli Xeebaha wadanka Soomaaliya ay ku suganyihiin in ka badan 30-Markab oo nuucyada dagaalka ah kuwaasi oo ay leeyihiin dowlada ugu tunka weyn leh caalamka.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Â