Ina Ciise Cadow Xageen ugu hagaagnaa ??!!(Keydka Sawirada).

Posted on Oct 6 2010 - 1:47pm by News Desk
Tweet
Pin It

kayd ina CiiseBartamaha (Nairobi):-Murtida sheekadan ma aha mid dahaaran balse aan daaha ka sii qaado markii aad maqashid magaca ina Hel waxaa kugu soo deg degaya magacyo kala duwan oo uu qaadan karo qofka “Ina Hebel ” loo adeegsado.

Ina Ciise Cadow Ma Sargaal Militari ahaa,Ma Booliisbaa, Ma Xoghaynta Madaxweynahaa,Ma Wariyaa,Ma Camira-Man baa,Ma agaasima Idaacadeed,Ma Webmaster Mise waa nin Afhayeen ah???!!!!!

Muuqaalada kala duwan ee aad arkaysaan waa C/raxiim Ciise Cadow oo ah masuul magaciisa iyo Muuqaalkiisa ay bulshada barteen xiligii Maxkamadaha Shareecada ay dalka hayteen xiligaasi oo fagaarayaal uu ka muuqanayay masuulkaasi.

Sheekh C/raxiim Ciise Cadow waxa uu ka dhinac muuqan jiray Xiligii Maxkamadaha shareecada Ninka haatan Madaxweynaha ka ah Dowlada Soomaaliya balse xiligaasi ahaa Gudoomiyihii Maxkamadihii Midoobay.

Goobaha fagaarayaasha,Xarumaha Maxkamadaha iyo goob walba uu joogay Gudoomiyihii Maxkamadihii waa uu ku sugnaa Cabdiraxiin ciise waxaana uu Camira-Man ahan u shaqeynayay xiligaasi.

Muddo ka dib waxaa la sameeyay Wepsite-Kii Maxkamada Ee Qaadisiya.Com  waxaana xiligasi uu Howlwadeen buuxda ka noqday Wepkaasi isagoo muddo dhowr sana ah haystay Wepka.

Ninkan ayaa ahaa masuul firfircoon balse aan boos fican ka helin Maxkamadihi shareecada maadaama uu Maxkamadaha hogaan u ahaa nin ay aad isugu dhow yihiin dhanka Ehelka.

Ka dib markii Maxkamadaha kala yaaceen oo koox walba ay Howdka gashay iyo qaar la waayay goob ay gaareen ayaa waxaa masuulkaasi dib loo arkay xiligii la aabulayay Kooxihii Muqaawamada loogu yeeri jiray ee la dagaalami jirtay Ethiopia.

C/raxiim Ciise ayuaa xiligii weerarada ku dhifo oo ka dhaqaaqda qeyb ka ahaa waxaana muddo dadaal ah ka dib uu noqday afhayeenkii Maxkamadaha Shareecada ee xiligii kala dhuumashada iyo qarsoodiga ay dagaalada uga wadeen magaalada.

Dhuumaalaysi Howd ku jir iyo ku hadalka afkka Muqaawamadii dagaalada ka dib waxa la gaaray waqtigii la kala baxayay waxaana isaga uu si gaar ah Afhayeen ugu sii nqoday Maxkamadihii Gudaha ka dagaalamayay.

Waxa uu isbadalka soo socdaba waxaa la isla soo gaaray xaaladii kala guurka iyadoo Maxkamadihii garabka gudaha oo ay hogaan u ahaayeen C.rixiin iyo C.Qaadir Cali Cumar  ay toos u taageereen Dowladii Jabuuti lagu soo dhisay.

Muddo ka dib ayaa waxaa bilowday dagaalo shabaabka iyo u dhexeeyay Kooxdan labadan nin ay magacooda ku hadli jireen taasi oo sabab ka dhigtay nin C.Rixiin isaga oo hogaamiye ciidan ah uu warbaahinta hadalo siinayay.

Sheekh C.Rixiin Ciise waxa uu bartamihii Bishii Marso uu saxaafada u sheegay in uu dhamaaday dhowridii Alshabaab islamarkaana ay toos ula dagaalamayaan waxaana maalma ka dib arinta ay noqotay mid sababtay in laga soo eryo masuulkaais iyo raggii ka sareeyay dhammaan dhulkii ay haysteen.

Muuqaalka C/raxiim Ciise ayaa is badalay waxa uuna soo galay Madaxtooyadii Qaranka isagoo bilaabay in uu toos ula shaqeeyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilkii Madaxnimada Dowlada qabtay.

Masuulkan ayaa waxa uu noqoday dadka lagu xisaabinayay Xoghaynada Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed isagoo toos u noqday Nidaamiyayaasha Xafiiska Madaxweynaha  taasi oo dad badan ay aaminsanaayeen in uu doonayay jago ama xubin muuqata in uu ka noqdo Aqalka Madaxtooyada.

Markii uu ka quustay qabashada boos muuqda ayaa masuulkan waxa uu isaga ambabaxay Muqdisho isagoo u boqoolay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya halkaasi oo uu joogay muddo dhowr bilood ah.

C.raxiim kama quusan ka hadalka siyaasada is badalayso waxaana marar badan uu weerar afka ah ku qaaday Saraakiisha Shabaabka isagoo u muuqanayay nin aad u kala yaqaana raggaasi maadaama muddo dheer uu ku dhex jiray dagaala badana ay ka wada qeybgaleen.

Markii uu ku soo laabtay Magaalada Muqdisho bartamihii 2009 xiligaasi ayuu bilaabay la shaqeynta wasiirkii Warfaafinta oo isaguna ka soo jeeday Maxkamadihii Shareecada waxaana uu aad ugu dhawaaday masuulkaasi.

Ka dib markii hormarinta lagu sameeyay Idaacadaasi Radio Muqdisho ayaa waxa uu bilaabay in uu ku laabto shaqadiisii hore oo ahayd Wepsite-ka isagoo wasaarada uga wakiil noqoday Bogga Radiomuqdisho.Net oo markaasi la sameeyay.

Sheekh C.raxiim Ciise ayaa shaqada Wepka aad hormar ugu sameeyay waxaana uu noqday masuul Warfaafineed isagoo saxaafada ka soo galay dhankii Maxkamadaha shareecada oo uu qoraal ahaan ku difaaci jiray jiritaanka Maxkamadihii uu ka soo jeeday madaxweynaha haatan Ee Mr.Shariif.

Muddo yar ka dib waxaa sii socday isbadalkiisii waxaana uu noqday Agaasimaha Rasmiga ah Ee Radio Muqdisho isagoo jagadaasi kala wareegay dhammaan maamulkii hore Ee Idaacadaasi taasi oo aan la ogayn qaabka iyo sababta xilkaasi loogu dhiibay maadaama aanu ahayn Khabiir dhanka Saxaafada ah.

Su’aalahan ayaa waxa ay igu dhasheen markii aan maqlay Codka Sheekh C.Raxiim Ciise Cadow oo ka hadlaya Alshabaab oo burburtay iyo isaga oo weerar afka ah ku qaadaya Kooxdaasi anigoo la sii yaabay markii aan arkay Muuqaalka Sawirada maalma ka hor laga qaaday isaga oo wata Camira-Digital islamarkaana xeran dhanka Ciidanka taasi oo mugdi iga galisay jagada Masuulkan iyo waxa uu ku magacaaban yahay.

Hadaba waxa is waydiinta Mudan ayaa ah:-

C/Rixiin Ciise ma waxaa loogu hagaagi karayaa Xafiiska Warfaafinta Ee Radio Muqdisho,Taliska Ciidanka Militariga,Xafiiska Madaxweynaha,Midka laanta laanta Sirdoona iyo la dagaalanka argagixisada ,Midka Afheenka guud Ee Dowlada waa su’aalaha qof walba is weydiin karayo mar hadii muuqaalada Ninkan qaababka kala duwan u muuqda uu qof walba arko.


Daawo Sawirada Masuulkan wejiyada badan:-

Muuqalada isbalka Agaasimaha hada ee Radio Muqdisho

Muuqalada isbadalka Agaasimaha hada ee Radio Muqdisho


ina ciiiccse


Xaaji C.raxiim Ciise

Xaaji C.raxiim Ciise

Sargaalka Ciidanka haystay midaa ??!!

Sargaalka Ciidanka haystay midaa ??!!

C.raxim iyo Ciidanka

C.raxiim iyo Ciidanka

Xasuusta waa ma guurto xiligii 2006-da

Xasuusta waa ma guurto xiligii 2006-da

Wariye ,Camira-man and Taliye sida muqalka mujinayo.

Wariye ,Camira-man and Taliye sida muqalka mujinayo.

Xilgii uu Webmaster-ka ahaa Radio Muqdisho.

Xilgii uu Webmaster-ka ahaa Radio Muqdisho.


Abdirizak Yusuf Kampala

[email protected].