Hubka sharci darada ah oo laga mamnuucay Gaal-kacyo.

Posted on Sep 29 2010 - 5:56pm by News Desk
Tweet
Pin It

woqoyiga gal-kacyoBartamaha (Gal-Kacyo):-Maamulka Maamulka Gal Mudug ayaa mamnuucay Hubka sharci darada ah ee lagu dhex qaadanayo gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ammaanka Gal Mudug ayaa go’aan ka gaaray kooxaha hubjka sharci darada ah isaga dhex wata gudaha magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Gal-Mudug Maxamed Axmed Caalim iyo  saraakiil ammaanka oo shir qaatay ayaa waxa ay go’aan ku gaareen in magaalada laga mamnuuco kooxaha hubaysan.

Madaxweynaha Caalin oo shirka ka dib saxaafada la hadlay ayaa daaha ka rogayka in guud ahaan Gobolka mamnuuc ay ka tahay in hub lagu dhex wato.

Masuulkan ayaa hadalkiisa waxa uu imaanayaa xilli koonfurta magaalada gaalkacyo ammaan daro guud laga dareemayo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.