Bartamaha(Washington):-Hiliray Kiloton Xog’hayaha Arimaha Dibada Wadanka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay kulan la qaadan doonto madaxweynaha dowlada soomaaliya si uga wada hadlaan xaalada dalka soomaaliya.
Wasaarada Arimaha Dibada Wadnka Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay in todobaadka soo aadan Magaalada Nairobi ay kulan ku yeelan doonaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka .
Mrs.Hiliray Kiloton ayaa la sheegayaa in todobaadka soo socda ay booqasho ku mari doonto 7-dal oo ka mida qaarada Afrika kuwaasi oo qaarkood ay u tagi doonto kulamo sida Wadanka Kenya oo la filayo in uu ka dhaco shirka wadamada koonfurta ka ah Saxaraha oo soomaaliya ay ku jirto.
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka ayaa jadwalkeeda kulamada ku darsatay in Nairobi marka ay soo garto ay la kulmayso Madaxweynaha Dowlada aan tabarta lahayn ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulankaasi ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ay ku wada yeeshaan Madaxweyne Shariif iyo Mrs. Hiliray Kiloton oo noqonay kulankii ugu horeeyay oo ay wada qaataan labadaasi masuul .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.