Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo dalbatay in la joojiyo Madaafiicda shacabka laga dhextuurayo.

Posted on Apr 27 2010 - 7:33am by News Desk
Tweet
Pin It

634Bartamaha(Garoowe):-Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo saldhig KMG ah ka dhigatay Magaalada Garoowe ayaa ku baaqday in la joojiyo Madaafiicda maalin kasta shacabka laga dhextuurayo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafada la hadlayay isagoo ku sugan Garoowe ayaa sheegayin Culimada Soomaaliyeed ay u arkaan dhibaato madaafiicda bulshada dhexdeeda laga tuurayo oo jawaabta ku soo dhacayso bulshadii laga dhex riday madaafiicda.

Sheekh Bashiir ayaa sheegya in Ciidamada Amisom aanay bulshada u naxaynin balse looga baahanyahay in ragga Jihaadka ku baaqaya ay shacabka badbaadiyaan oo aanay madaafiic ka dhex tuurin shacabka.

Wadaadka waxa uu sheegay in Xoogaga Alshabaab iyo Xizbul Islaam looga baahanyahay in bulshada ay ka daayaan Madaafiicda maadaama jawaabta shacabka ay ku la’daan ay soo ridaan Ciidamo aan ku jinsi ahayn bulshada oo aan ka naxaynin sida uu sheegay sheekh Bashiir.

Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu dambayntii dusha u saaray Amisom shacabka maalin walba la’anaha  balse waxa uu dhaliilay Mucaaradka oo uu shegay in ay bilaabaan madaafiicda bulshada dhexdoodana ay ka tuurtaan.

Dadka Magaalada waxa ay la qabsadeen Madaafiicda ka dhacda Caasimada waxa ayna marka ay arkaan gawaarida lagu yaqaano in lagu qaado Hoobiyayaasha ay bilaabaan in shubka ay ka dhawaadaan maadaama madaafiic laga ridayo jawaabtana ay filanayaan bulshada.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia