Bartamaha (Kismaayo):-Saraakiisha Alshabaab Kismaayo ayaa amar dul dhigay Haweenka Kismaayo oo loo diiday ka ganacsiga Qaadka.
Xasan Yacquub Cali oo qaabilsanaa dhawaanahan dhanka arimaha Bulshada ayaa soo saaray amar ka dhan ah Haweenka ka ganacsada Qaadka.
Kulan saacada kooban socanayay oo shalay uu la qaatay ganacsatada Qaadka ayaa la xaqiijiyay in masuulkaasi uu amray Haweenka in ay joojiyaan ka ganacsiga Qaadka.
Sargaalkaasi oo inta badan ku caan baxay amarada ka dhanka ah Dumarka ayaa haatan joojiyay Haweenka ka shaqeysta Qaadka kuwaasi oo caruurtooda ka bisha ganacsiga qaadka.
Qaadka ayaa horay looga saaray Kismaayo iyadoo lagu Iibinayay dhawaanahan duleedka Magaaladaasi.
Haweenka qaadka ka shaqeysan jiray gudaha Kismaayo ayaa haatan ay soo wajahaysaa shaqa la’aan mana jirto cid si rasmi ah ugu badashay shaqada laga joojinayo.
Haweenka soomaaliyeed ayaa badankood waxa ay yihiin dadka ka shaqeysta Iibinta Qaadka waxaana horay u jiray amaro adag oo la dul dhigay sida joojinta safarka ay u galayaan soo qaadida qaadka iyo badalida Xijaabka ay horay u wateen oo la faray in ay gacmaha gashtaan dhar si aanay isku gaarin ragga ay qaadka ka iibsanayaan.
Haatan ayaanan la ogayn waxa ay u go’aansadeen maamulka Kismaayo joojinta Qaadka xilli horay ganacsatada qaadka ay dhib ugu qabeen joojinta qaadka lagu dhex iibinayo magaalada.
Sanadii 2006- xiligii ay dalka intiisa badan ka talinayeen Maxkamada Islaamiga ayaa si toos ah Qaadka looga dhigay Kotorobaan taasi oo la aaminsanyahay in ay masuul ka ahaayeen ragga haatan shabaabka ka dhex muuqda.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.