Haweenay Maraykan ah oo korsanaysay wiil u dhashay wadanka Raashka ayaa dib ugu celisay wadankiisa iyadoo hal tikidh diyaarad oo sii socod ah u goysay.
Artyom oo 7 jir ah ayaa kusoo laabtay dalkiisa isagoo kaligiis ah oo gacanta ku wada warqad ay soo qortay haweenaydii korsanaysay, waxaana warqadda ku qornayd ” Waan ka xumahay inaan idiin sheego arrintan anigoo u fiirsanaya badbaadada reerkayga iyo asxaabtayda, Ma rajaynayo inaan sii koriyo wiilkan sababo khuseeya dhaqankiisa awgeed, waana wadani Raashiyaan ah sidaas daraadeed waxaan kusoo celinayaa dalkiisa”.
Waxaa kaloo ay sheegtay haweenaydan wiilka dalkiisa kaligiis ku celisay in hay’adda ay kasoo qaadatay wiilka ay soo sireen.