Haweenay Saddex Maalin mayd ahayd oo laga helay Kismaayo.

Posted on Aug 10 2010 - 4:06pm by News Desk
Tweet
Pin It

dil mindiBartamaha (Kismaayo):- Haweenay muddo saddex Cisho mayd ahayd ayaa laga helay guri ku yaala magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Dhacdada Naxdinta leh ayaa saaka lagu arkay xaafada Laanta Ganacsiga ee Bartamaha Magaalada Kismaayo ka dib markii la helay maydka Haweenay Saddex Cisho ka hor la dilay taasi oo maydkeeda la helay.

Dadka la jaarka ah Haweenayda maydkeeda la helay ayaa saaka ogaaday markii ay la yaabeen hawada degaanka oo badalantay taasi oo sababteeda ahayd riixda ka soo baxaysay haweenayda la dilay.

Haweenaydan ayaa la ogaaday in ay ku dhex jirtay dhismaha gurigeeda oo dusha sare looga xeray qofol taasi oo sababteeda ahayd markii uu toorey ku dilay ninkii qabay Haweenaydaasi oo dhawaan uu guursaday.

Ninka dilka gaystay ayaa la sheegay in uu xubin ka ahaa askarta Alshabaab ee ka mid ahayd maamulka Kismaayo wallow haatan aan muuqaalkiisa la arag markii maanta baaritaan ay ku dhaqaaqeen maamulka.

Maydka ayaa lagu aasay qeyb ka mida guriga lagu dhex dilay ka dib markii laga quustay in la qaado maydkaasi oo Ninkii dilayay uu si xun u jarjaray jirkeeda  sidaasina ay ugu geeriyootay loona ogaan waayay dhimashadeeda.

Dhacdadan xanuunka iyo la yaabka badan ayaa ah mid ku yar dalka Soomaaliya wallow marar badan la sheegay in dil nuucaani ah uu ka dhacay dalka kaasi oo sababta ugu weyn ay tahay Khilaafaadka qoyska dhexdiisa ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]