Bartamaha(B/Weyne):-Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Alshabaab ayaa waxa ay Xabsi ugu taxaabeen Haween aad u fara badan.
Howlgalka oo Xalay illaa saaka ka socanayay Mgaalada Baladweyne ayaa waxa uu salka ku hayay la dagaalanka Qaadka lagu Iibinayo gudaha Magaalada.
Askarta Shabaabka ayaa Xabsiga Baladweyne dhigay in ka badan 20-Haween ah oo ay ku sheegeen kuwa jabiyay Amarkii Maamulka.
Maamulka Shabaabka Baladweyne ayaa dhawaan soo saaray amar ay ku mamnuucayaan qaadka in lagu Iibiyo gudaha Baladweyne iyagoo banaanka magaalada geeyay Suuqa qaadka.
Haweenka la xerxeray qaarkood ayaa la xaqiijiyay in la dul dhigay ganaax lacageed oo aad u culus markii marar badan la soo qabtay xilli ay qaad ku Iibinayeen gudaha Magaalada.
Ma aha markii ugu horaysay oo Alshabaab ay Xabsi dhigaan Haweenka Magaalada waxaana la xasuustaa in dhawaanahan ay socanayeen howlgal lagu xerxerayo haweenka wata Xijaabka aanay ku qanacsaneen Maleeshiyaadka Shabaabka kuwaasi oo lacag ka badan Xijaabka ay doonayaan looga qaadayay Xabsiyada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.