Hanjabaadii Dagaal ee Dowlada waday oo la sii laba jibaaray.

Posted on Mar 7 2010 - 9:54am by News Desk
Tweet
Pin It

cqaadir-cali-cumarBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa sii laba jibaartay hanjabaadii ku wajahnayd in dagaal ay dalka uga saarayso Islaamiyiinta.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa daaha ka qaaday in dagaal lala yaabo ay dalka uga sifaynayaan Kooxaha Mucaaradka.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in dalka ay u fasaxeen cid kasta oo garab ka siin karta ciribtirka Kooxahan Mucaaradka ah oo uu sheegay in ay ajaanib dalka soo galiyeen.

Wasiirka ayaaku hanjabay in ay maalmaha soo aadan qabanayaan howl muuqata oo lagu cirib jarayo Kooxaha Caruurta siray sida uu sheegay ee dagaalka u adeegsanaya.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ahaa masuul sare oo Madax ka ahaa Maxkamadihii Islaamiga ayaa waxa uu sheegay in uu garanayo awooda Kooxahan dagaalka wada balse ay doonayeen iun ay bulkshada darensiiyaan dhibaatada ay wadaan.

“Bulshada waa nacday hadda ujeedada ay Dowlada faraha uga laabatay kooxdan tabarta daran waa in aan shacabka dareensiinaa dhibaatada ay hayaan…Hadda maalmahan soo aadan waad arki doontaan talaabadaan ka qaadno…”ayuu yiri wasiirka arimaha Gudaha.

Hanjabaada Dowlada ayaa noqotay mid afka uun ku koobnayd dhawaanahan wallow aanan la garanayn halka ay ku biya shuban doonto hanjabaada maalinlaha noqotay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.