Gudoomiyaha Degmada Shibis oo ka cabanaya Ciidamo soo weeraray gurigiisa Degmadaasi.

Posted on Oct 12 2009 - 7:52am by News Desk
Tweet
Pin It

ciidamada midabadaBartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Degmada Shibis Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo Dowlada ka tirsan ay soo weerareen gurigiisa Degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Shibis Kulmiye Yabarow Haruur ayaa sheegay in Ciidamo Dowlada ka tirsan ay soo weerareen gurigiisa islamarkaana ay dhibaato kula dhaqaaqeen Ciidamadiisa iyo isaga intaba.

Gudoomiyaha oo cara xoogan ay ka muuqatay ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamadiisa dhawaan ay ka celiyeen Ciidamo dhac u geysanayayƂ  dad rayid ah sidaasina haatan lagu soo weeraray gurigiisa.

Kulmiye Yabarow ayaa ugu baaqay talisyada Ciidamada iyo Dowlada Soomaaliya intaba in ay wax ka badalaan ammaanka Degmada oo uu sheegay in dhac iyo baarasho bulshada lagula dhaqaaqo.

Degmada Shibis ayuu sheegay in dadka ay xiligan bilaabeen in ay isaga soo laabtaan balse askarta Dowlada aan laga imaan Karin xaafada maadama dadka ay dhacayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.