Gudoomiyaha cusub ee maamulka islaamiga ah ee Balad Xaawo sh.Aadan Max’ed Bare (Sh.Aadan Nuux) oo maanta markii ugu horaysay soo bandhigay wax qabadkiisa gudoomiyenimo.

Posted on Jun 26 2009 - 11:38am by News Desk
Tweet
Pin It

sheekhBartamaha (Muqdisho) :-Kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Gudaha Deg. Balad Xaawo Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Islaamiga ee Deg. Balad-Xaawo ayaa waxaa uu kaga hadlay dhawr arimood oo ay kamid yihiin sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira Gobolka Iyo Sidii loo adkayn lahaa xariirka udhaxeeya maamulkan Cusub iyo dhinaca xadka Kenya.

Sh. Aadan Nuux oo ay Saxaafadu Su’aalo waydiisay ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiyihii hore ee Degmada uu iskiis isaga tagay Xilikii Gudoomiyenimo islarkaana aysan jirin hadalo uu kutilmaamay Been abuur oo sheegayay in ay xoogaga islaamiyiinta ku qasbeen Mr Burkuus inuu xilkaasi isaga Dego, waxaana uu sidoo kale Sh.Aadan Nuux  Umahad celiyay Gudoomiyihii hore ee degamadan Beledxaawo Axmed Max’ed Yuusuf (Burkuus) isla mar ahaanataana ku amaanay  waxqabadkiisii iyo Sida uu ula shaqeeyay islaamiyiinta.   

Sh. Aadan Max’ed Barre Sh. (Aadan Nuux) ayaa mar uu kahadlayay arimaha xadka ay Degmadan lawadaagto Degmada mandheera ee dalka Kenya uu ugu horayn maamulka mandheera karaali galiyay hadalo kasoo yeeray qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka islaamiga ah ee Gobolkan Gedo kaas oo ahaa in ay weerari Doonaan Dhinaca Kenya, waxaana uu sheegay in ay Diyaar uyihiin xariir walaaltinimo oo dhaxmara labada dhinac.  

Ugu dambayntii sh. Aadan Nuux oo ah Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka islaamiga ah ee Degmada Balad-Xaawo ayaa mar uu soo hadal qaaday xaalada Abaareed ee kajirta Degmadan Beledxaawo waxaa uu ugu baaqay dhamaanba Hay’adaha Samafalka, Ganacatada iyo Qurab Joogta Gobolka kasoo Jeeda (Jaaliyadaha) in ay Gar-gaar lasoo Gaaraan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay xaalada Abaaareed ee haatan kataagan deegaanada Degmada Beledxaawo.

Arintani ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli Maalinimadii Arbacada uu ku dhawaaqay Gudoomiyihii Deg Beledxaawo Axmed Max’ed Yuusu (Burkuus) uu iska casilay xilkii uu kahayay degmadan dhcad sedex Geesoodka wadamada Somalia, Kenya iyo Itoobiya, kaasi oo ay shacabka udoorteen sanadii 2007dii

Xafiiska wararka Soomaaliyeed Bartamah.Com

Muqdisho Somalia.

   

Â