Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Fd Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Djabuuti si ay uga qeyb-galaan Xuska Maalinta Xuriyada Dalka Jabuuti

Posted on Jun 27 2009 - 8:41am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Wafdigan oo uu hogaaminayay gudoomiyaha Baarlamanka dowlada Fd Soomaaliya Aadan Maxmed Nuur (Aadan Madoobe ) ayaa waxa ay gaareen Dalka Jabuuti si ay uga qeyb-galaan Maalinta Xuriyada dalka Jabuuti.

Wafdiga oo wakiil ka ah dowlada Fd soomaaliya ayaa waxaa ay isugu jiraan Xildhibaano,Wasiiro iyo Madax kale kuwaasi oo dhammaantood ay dowlada Soomaaliya u xilsaartay ka qeyb-galka Xuska Maalintii ay xurnimada qaadatay Jabuuti 27-Jun 1977-dii.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin ka qeybgalkiisa xuska maalinta gobanimada dalka jabuuti isagoo sheegay in aanu marnaba ilaabi Karin malintaasi ay dowlada jabuuti ay iska tureen heeryadii gumaystaha.

Munaasabadda ayaa si rasmi ah waxaa lagu wadaa in manta oo idil fantasiyo loogu sameeyo dhammaan hoteelada dalka Jabuuti oo la sheegayo in qiima dhimis xoogan lagu sameeyay dabaal-dagga owgeed.

Lama oga in dowlada Jabuuti ay ka soo qeybgali doonto dhankeeda munaasabadda Maalinta xuriyada Dalka Soomaaliya oo aan la ogayn goobta rasmiga ah ee dowlada Fd Soomaaliya ku qabandoonto maadaama Magaalada Caasimada ah ay dagaala ka socdaa isla mar’ahantaana rasaasta ay si xoogan ku gaarayso Xarunta Madaxtooyada oo ka mida goobaha kooban oo ay dowlada maamusho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â