(Muqdisho www.Bartamaha.com):- Afhayeenka Baarlamaanka KMG ah Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shaley dalka dib ugu soo laabtay kadib Socdaal ay ku soo mareen qaar kamid ah dalalka Carabta iyo Afrika.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saxaafadda uga warbixiyay socdaalkiia iyo waxyaabaha ay kala soo kulmieen.Waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Cabdi weli Ibraahim Muudeey.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa socdaal ku soo kala maray dalalka Iskutaga Imaaraadka iyo Kenya halkaasi oo uu kula soo kulmeen xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo madaxda dalalkaas oo uu kala hadleen Xaalada Soomaaliya gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa Gargaarka loo samaynayo dadka Ku dhibaateysan gudaha dalka ee ay Abaaruhu saameeyeen
W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya