Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo shaaca ka qaaday in Shalay Xasuuq uu ka dhacay Suuqaasi.

Posted on Sep 29 2009 - 10:01am by News Desk
Tweet
Pin It

Cali%20dheereBartamaha(Muqdisho):-Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa shaaca ka qaaday in shalay xasuuq ba’an uu ka dhacay Suuqa Bkaaraha islamarkaana lagula Xisaabtami dooni Ciidamada Amisom oo madaafiic ku garaacay suuqaasi.

Cali Maxamad Siyaad (Cali Dheere) Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Shalay madaafiic bareer ah lagu soo garaacay Suuqaasi .

Cali dheere waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay mar kasta bartimaameedsadaan goobaha ay ka soconayaan howlaha ganacsiga isagoo sheegay in si gaar ah ay Bkaaraha bartilmameed uga dhigtaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in duqeynta ay shalay Bkaaraha ku bilaabatay xilli xaalada Magaalada ay daganayn islamarkaana aan wax rasaas ah lagu ridin Ciidamada Amisom.

Gudoomiyaha ayaa si cara leh u sheegay in ay raali ka yihiin Xasuuqa shacabka Dowlada reer Galbeedka iyo Midowga Afrika balse ay ciqaabta shacabka soomaaliyeed la marsiiyay maalin la iskula xisaabtami doono.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.