Gudi Nabadeen ah oo u anbabaxaya Degmada Doolow iyo Maamulkii Dowlada Ee Gobolkaasi oo u digay gudigaasi.

Posted on Jul 29 2009 - 7:02pm by News Desk
Tweet
Pin It

waxgaradkaBartamaha(Muqdisho):-Waxgarda iyo Odayaasha Dhaqanka Ee Gobolka Gedo ayaa dhawaan la filayaa in ay u boqoolaan dhanka Degmada Doolow Ee Gobolkaasi si ay dhexdhexaadin uga bilaabeen dhinacyada gobolkaasi ku wada sugan. 

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in ay maalmihii la soo dhaafay dhisayeen gudi u dhaqaaqa dhanka Degmada Doolow si ay kulamo ula yeeshaan Madaxda dowlada Ee Deegaankaasi ku sugan.

Dhanka Maamulka Dowlada Ee Gobolkaasi oo ku sugan deegaanka Doolow ayaa digniin u jeediyay odayaasha gudiga ah ee dhawaan la filayo in ay u dhaqaaqaan dhanka Doolow.

Masuul u hadlay madaxda dowlada Ee Doolow ku sugan ayaa sheegay in odayaashaasi aanay wadin wax xal keeni kara islamarkaana ay wakiil ka yihiin Islaamiyiinta Gobolkaasi ku sugan.

Odayaasha la filayay in ay dhanka Doolow u dhaqaaqaan ayaa niyad jab ay kala soo derestay hadalka ka soo yeeray masuul ka mida madaxda dowlada Ee Doolow ku sugan taasi oo hor’istaagaysa isku day dhexdhexaadin laga bilaabo islaamiyiinta iyo madaxda dowlada ee gobolkaasi laga eryay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.