Guddoomiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wacad ku maray in ay dagaal uga saarayaan Ciidamada waliba oo dalka la soo galiyo

Posted on Jun 24 2009 - 2:04pm by News Desk
Tweet
Pin It

xasan-daahirBartamaha(Muqdisho):-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Gudoomiyaha kooxda Xizbul Islaam oo Maanta saxaafada kula hadlay Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in ay dalka soomaaliya ka saari doonaan Cid waliba oo ku soo xad-gudubta.

Sheekh Xasan Daahir ayaa wacad ku maray in ay rasaas uga saari doonaan dhammaan kooxaha shisheeyaha ah ee haatan qorsheysanaya in soomaaliya ay yimaadaan isagoo ugu baaqay kuwa haatan dalka jooga Ee Amisom in maalma gudahood ay isaga baxaan Caasimada.

Wadaadka Hogaanka u ah Kooxda Xizbul Islaam ayaa manta waxa uu u muuqday nin aad uga caraysan soo galitaanka Ciidamada Itoobiya Ee qeyba ka mida Gobolada dalka soomaaliya iyo sidoo kale dalabkii xukumada eek u aadanaa gargaar Ciidamo difaaca dowlada.

Sheekh Xasan ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Xukunka Dag-daga ah ee haatan dalka soomaaliya lagu soo rogayo isagoo sheegay in aanay dalka dowladaasi maamul u haynin maadaama ay xoogaga Mucaaradka ay ka ariminayaan dhammaan Deegaanada Koonfureeed Ee Dalka Soomaaliya.

Hogaamiyahaasi Kooxda Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa ugu danbayntii ku eedeeyay Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom in ay madaafiic ku garaacaan Suuqyada Muqdisho si ay u qasaariyaan hantida iyo badeecada taala suuqyada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.