Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya oo maanta isku shaandheyn lagu sameeyay iyo Wasiiro Cusub…

Posted on Aug 17 2009 - 7:16pm by News Desk
Tweet
Pin It

WasiirasadaBartamaha(Muqdisho):-Golaha Wasiirada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in maanta si rasmi ah isku shaandheyn loogu sameeyay iyadoo Wasiira muuqaal cusub ay Saaxada ka soo muuqdeen.

Barqanimadii maanta ayaa la xaqiijiyay in kulan ay Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isla meel dhigeen in jagooyinka la isku weydaariyo qaar ka mida Wasiirada halka kuwa kalana laga qaado xilalka ay ay hayaan.

Wasiirada Dowlada ayaa la xaqiijiyay in jagooyinkooda loo magacaabay sida hoos ka muuqata:-

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxmed C/laahi Oomaar.

Wasiirka Arimaha Dibada Cali Jaamac Jangali.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdalla Boos Axmed.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Prof.Gaandi.

Wasiirka Lacagta C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele.

Wasiirada ayaa la sheegayaa in qaar ka mida jagooyinka la isku weydaariyay wallow ay jiran wasiiro cusub oo qabashada jagooyinka ku cusub sida Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxmuud Geele oo ah Milkiilaha Idaacada Qur’aanka Kariimka Ee  Muqdisho iyo Wasiirka Lacagta C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ahaa madaxa shaqaalaha iyo fududenta howlaha Madaxtooyada soomaaliya.

Illaa haatan ma jiro wax intaasi ka fog oo laga ogaaday isku shaandheynta ay maanta madaxda dowlada soomaaliya sameeyeen wallow ay ku soo aaday isku shaandheyntan xilli Ra’iisul wasaraha uu safar ku sii wajahnaa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.