Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye garabka Mucardka oo ku baaqay in aan dhag loo dhigin dalabka Madaxweyne Qafaadi.

Posted on Oct 27 2009 - 3:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

hawiye_logoBartamaha(Muqdisho):-Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye garabka Mucaaradka ayaa maanta Muqdisho ka soo saaray baaq ay Islaamiyiinta u dirayeen taasi oo ay uga soo horjeedeen hadalkii Madaxweyne Qadaafi.

Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Garabka Mucaaradka Suldaan Axmed Dhoore Faarax oo Saxaafada Muqdisho la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in aanay marnaba aqbali Karin hadalka Madaxweynaha Liibiya Col.Qadaafi.

Gudoomiyaha dhaqanka garabka Mucaaradka ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Liibiya uu masuul ka yhay joogitaanka Amisom ee Soomaaliya islamarkaana uu dhallaanka soomaaliyeed xabsiyo ku guray dhibaatana uu ku hayo.

Suldaan Dhoore ayaa waxa uu Alshabaab iyo XizbuL Islaam farta ugu fiiqay in dagaalada ay sii wadaan isagoo rajjo ka muujiyay in Amisom dalka dagaal looga saaro.

Odayaasha maanta baaqa colaadeed soo saaray ayaa waxa ay ka soo go’een garabkii shaqanka ee Odayaasha HAWIYE Ee uu hoganka u yahay Maxmed Xasan Xaad.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.