Bartamaha (Nairobi):-Golaha Badbaadinta iyo Wacyi Galinta Soomaalida oo maanta ku shiray magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ayaa jeediyay baaq ku wajahan Dowlada Soomaaliya iyo Bulshada.
Kulan Maanta ka dhacay Hotelka Ondolos Ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa yeeshay Xubnaha Kulankaasi oo jeediyay baaqyo Nabada iyo is raaca Bulshada ku baaqayay iyagoo fikirkooda ku iftiimiyay Nabada Soomaaliya iyo sida loo heli karo.
Kulanka maanta ayaa waxaa ka hadlay Madaxda Golahaasi Wacyigalinta iyo Badbaadinta Umada Soomaaliyeed iyo qaar ka mida aqoonyahano ku sugnaa xarunta shirka ka dhacayay iyo dad ka qeybgalayaal ahaa.
Shirka ayaa mudada uu socanayay waxa hadalada dadka jeediyay ka mid ahaa Gudoomiyaha Golahaasi Suldaan Maxamed Khaliif oo ahaa Nabadoonka madaxda u ah Golahaasi ayaa waxa uu daaha ka qaaday in Umada Soomaaliyeed dhibkeeda muddo laga shaqeynayay.
Nabadoonka waxa uu shaaca ka rogay in Beesha Calamka ay ka gaabisay wax ka qabashada xaalada adag ee dalka soomaaliya isagoo sheegay in ay mar walba faraha kul;a jiraan xaalada dalka iyaga oo aan faa’iida u haynin sida uu sheegay gudoomiyaha.
Gudoomiyaha waxa uu Dowlada KMG ah u jeediyay baaq ku aadan in la soo magacaabo Ra’iisul Wasaare dani ugu jirto Umada oo mideeya shacabka dhibanayaasha ah ee mudada ku jiray dagaalada.
Gudoomiyaha waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Shariif in uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare xilkas ah oo dadka ka badbaadin kara dhibaatada mudada uu ku jiray islamarkaana nabada dalka qeyb ka gala.
Sidoo kale waxa nabadoonada meesha ka hadlay ay wada dalbadeen in lala tashado waxgaradka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay dhibaata tahay waxbaradka soomaaliyeed oo la dhinac maro xilli walba.
Shirka maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu muujiyay in dhibaatada ugu badan ay Dalka ka dhacday xiligii la soo doortay Dowlada Shariif Sheekh Axmed wallow ay hadda dalbadeen odayaasha in lagala tashado magacaabida ra’iisul wasaaraha.
Golahan oo ka dhisan nairobi ayaa waxa ay soo jeediyeen dardaaran inta badan ujeedkiisa u muuqanayay Dowlada KMG ah in lagu soo daro dadka waxgaradka ah islamarkaana talada qeyb laga siiyo.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika