Golaha Ammaanka oo ka arinsanaya Arimaha Wadanka Soomaaliya.

Posted on Jul 29 2009 - 7:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

un congressBartamaha(New York):-Kulan looga arinsanayo Arimaha Wadanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadan in golaha Ammaanka ay ku yeeshaan Magaalada New York Ee Xarunta Qaramada Midoobe.

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobe ayaa la sheegayaa in ay ka wada hadlayaan Arimaha isbadalada xagga dagaalada ah ee ku soo kordhay dalka soomaaliya.

Qaar ka mida wadamada ku jira Golaha Ammaanka ayaa la sheegayaa in ay wadaan qorshayaasha looga hadlayo arimaha dalka soomaaliya oo ay sheegeen in dhibaato xoogani ay soo kordhinayso haddii aan wax laga qaban.

Kulanka maanta ayaa waxaa la filayaa in uu Xog-hayaha Guud Ee Qaramada Midoobe Ban-Ki-Mon uu ka jeediyo warbixin ka hadlaysa arimaha ammaanka dalka soomaaliya iyo codsiyo ka soo gaaray dhanka dowlada soomaaliya.

Madaxda dhanka Ammaanka Ee Qaramada Midoobe ayaa qaarkood ku kala qeybsan siyaasada arimaha soomaaliya iyadoo wadamada qaar ay doonayaan faragalin ciidamada Afrikaanka ah ay ku sameeyaan wadankaasi balse ay fekerkaasi diidanyihiin wadama aaminsan in soomaliya lagu caawiyo hab militari.

Inta badan wadamada Qaramada Midoobe qeybteeda Golaha Ammaanka ayaa baaq oo kaliya ka soo saara arimaha wadanka soomaaliya balse dowlada Madaxweyne Shariif ayaa u dhagtaagaysa kulanka maanta iyo wixii ka soo baxa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.