Godoomiyaha Degmada B/xawo oo iska casilay Xilkii Gudoomiyanimada Degmadaasi.

Posted on Jun 24 2009 - 6:40pm by News Desk
Tweet
Pin It

010barkBartamaha(Muqdisho):-Axmed Max’ed Yuusuf (Burkuus) oo shirjaraa’id ku qabtay B/xawo ayaa sheegay in uu iska casilay kana tanaasulay Xilkiisa kadib sida uu sheegay Arimo Badan sabab uu uga dhigay.

Waxa uu tilmaamay “markaan fiiriyay dhibaatooyiinka jira, abaaraha taagan, saansaanta iyo xiisadaha colaadeed iyo dhibaatada xilka isaaran ayaa gartay in aan ka tanaasulo Xilka Gudoonka degmada B/xawo”Ayuu yiri Burkuus.

Masuulkasi ahaa Gdoomiyaha Degmada B/Xaawo ayaa shaaca ka qaaday in wixii xilagan ka dambeeya uu joogi doono gurigiisa danihiisa gaarka ahna uu ka shaqeyn doono.

Mar la weydiiyay waxa rasmiga ah ee ku kalifay in uu tanaasul sameeyo Axmed Max’ed Yuusuf Burkuus waxa uu ku nuux -nuuxsaday “hadii aan mudo ku dhow Afar sano ah aan hayay xilkan waxaa muuqata in aan ku daalay , waxaan u baahanahay nasasho madaama aan ku howlanaa Arimaha shacabka in aan wax badan ka badalo dhinaca Hormarka iyo Amnigaba, Burkuus ayaa sidaasi ku dhawaaqay.

Mr.Burkuus waxa ay B/xaawo ku xusuusataa Waxa yaabo badan oo ay ka mid tahay in uu ku dadaalo dadka in uu ku booriyo in ay ka qaybqaataan waxa ka qabashada Amaanka, Horumarinta Ganacsiga iyo waxayabaha aasaasiga ah sida u gurmashada Dadka Abaaraha ay heystaan, iyo gacansiinta Dadka dhibaateysan.

Burkuus ayaa gaashaanka ku dhftay warar sheegaya in ay ku cadaadiyeen islaamiyiinta degmada Gacanta ku iscaziladiisa “marjirto cid igu qasabtay in aan iscasilo, Arintan aniga ayaa horey u go’aan saday balse manta ayaa ku dhawaaqay sidaan horey u sheegay na waxaa u tanaasulay waxaa ka mdi ah dadkii cabashadooda oo aan wax laga qaban kari” burkuus ayaa sidaasi ku waramay.

Waxa uu cafis weydiista dadka uu gudoomiyaha u ahaa mudada Afarta Sano ah “waxaan cafis weydiisanayaa dhamaan dadka bulshada ah maxaa yeelay Bini Aadan gef wuu ka dhici karaa wixii qalad ah ee iga dhacay in ay iga cafoiyaan ayaan codsanayaa , waxaana ugu baaqayaa dadweynaha in ay ka shaqeeyaan Danahood, hormarkooda, Amnigood iyo in ay isgacan qabtaan”Burkuus ayaa yiri.

Axmed Max’ed Yussuf (Burkuus), waxaa xilkaan Loo magacaabay 1 bishii January ee 2006 waxaana u magacaabay odayaasha dhaqanka degmada B/xawo, markale ayaa loo doortay gudoonka degmada 28 bishii 8 ee 2007, waxa uu qabtay waxaa kamid ahaa kadib markii laxiraya xadka labada dal u dhexeeya ee Somaliya iyo Kenya dabayaaqadii 2006, waxa uu heshiis wada shaqeyn ah la saxiixday maamulka mandhera kaasoo ogolaanayay in ay isu gubaan dadka labada degmo aydoo soohdintu xirantahay.

 

Wariye:Max’ed Cibaar Diiriye

Balad Xaawo

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.