Ganacsatada Kismaayo oo la dul dhigay dhaqaale lagu taageero dagaalada.

Posted on Sep 26 2010 - 9:58am by News Desk
Tweet
Pin It

usBartamaha (Kismaayo):- Alshabaab Kismaayo ayaa dhaqaale culus dul dhigtay ganacsatada waaweyn ee Magaalada Kismaayo.

Ganacsatada Hantida muuqata ku leh Magaalada Kismaayo iyo kuwa keena dharka iyo raashinka ayaa midkiiba laga dalbaday bixinta 3-Kun oo Doolar.

Warar xaqiiqda u dhbow oo laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shabaabka ay culees ku hayaan ganacsatada hantida leh oo la dul dhigay dhaqaale dagaalada lagu taageero.

Ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa laga dalbaday in ay dhaqaalahooda kutagaeeraan Jihaad la sheegay in uu ka socanayo Magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Yacquub iyo ABuukar Gacamay oo ka mida saraakiisha Kismaayo gacanta ku haysa ayaa waca ay ku xukumeen ganacsatada in ay bixiyaan Lacagtaasi.

Lacagta ayaa lagu macneeyay mid taageerada Jihaadka ah waxaana ganacsde walba loo sheegay in hantidiida laga jarayo hadii uusan Jihaadka dhaqaale u ogolayn.

Dalabka ganactada loo jeediyay oo laga doonayo dhaqaalahaasi ayaa imaanaya xilli bishii Ramadan dadka magaaladaasi la amray in Zakaatul Fitriga ay u badalaan Lacago iyo beelaha dagan Gobolk oo xilli hore dhaqaale in ay soo aruuriyaan la faray.

Arintan ayaa loo baqayaa in ay sababto in la waayo ganacsade ku dhiirada dhaqaalihiisa uu u beec geeyo Jubooyinka maadaama canshuuraha laga qaado loogu daray dhaqaale u muuqanaya ganaax Hantiyeed aan la ogayn waxa uu ku salaysan yahay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga  Afrika