Ganacsatada Digil iyo Mirifle Ee Magaalada B/Weyne oo xalay waraaqa digniin ah loogu daadiyay Magaaladaasi iyo Maamulka Gobolkaasi oo damaanad qaaday ammaanka Ganacsatadaasi.

Posted on Jun 26 2009 - 8:23am by News Desk
Tweet
Pin It

baladweyneBartamaha (Muqdisho):- Ganacsatada ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magaalada B/Weyne ayaa xalay waxaa waraaqa loogu digayo lagu daadiyay Wadooyinka Magaalada Balad Weyne Ee Xarunta G/Hiiraa.

Waraaqahan digniinta ah ayaa loogu baaqayay Ganacsatada ka soo jeeda Gobolada Bay iyo bakool in muddo 24-Saacadood ah ay isaga baxaan Gudahja Gobolkaasi Hiiraan haddii aanay u hogaansaminna ay dhibaatooyin la kulmi doonaan.

Waraaqaha oo lagu daadiyay dhammaan Xaafadaha Magaaladaasi B/Weyne ayaa lagu sheegay in ganacsatadu ay noqdeen kuwa dhinac la shaqeeya isla mar’ahantaana ka soo hor’jeestay Islaamka sida qoraalka nuqul ka mida uu tilmaamayay iyadoo ay ku sawirnayd Bastoolad iyo Bamka gacanta laga tuuro.

Sheekh Ibraahim Yuusuf oo ah madaxa ammaanka Magaalada  Balad Weyne ayaa wacad ku maray in ay soo qaban doonaan ragga qoraaladaasi ku daadiyay Magaaladaasi isagoo ku tilmaamay in ay qal-qal ka abuurayaan Gobolkaasi Hiiraan.

Sargaalka oo ka mida Maamulka Maxkamadaha Dowlada raacsan ayaa sheegay in xiligan wixii ka danbeeyay ay ammaanka Ganacsatada loo hanjabay ay dhankooda sugayaa si aanay kooxahaasi u fulin wax qal-qal u keeni kara ammaanka baayac mushtarka gobolada Bay iyo Bakool ka soo jeeda.

Waa markii ugu horaysay ee hanjabad nuucaani oo kala ah ay la kulmaan ganacsatada Magaalada B/Weyne wallow ilaa haatan aan la xaqiijin cidda ka danbaysa waraaqaha lagu daadiyay Magaalada B/weyne.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.