Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay K/AfrBika

Posted on Dec 25 2010 - 11:49am by News Desk
Tweet
Pin It

south1Bartamaha (K/Afrika):- Nin ganacsade Soomaali ah ayaa saacada ka hor lagu dilay gudaha Magaalada Porth Elizabeth Ee Dalkaasi K/Afrika.

Ganacsadaha Soomaaliga ah ayaa waxaa soo weeraray rag hubaysan oo u dhashay dalkaasi kuwaasi oo awood ugu galay dhismaha dukaanka ah ee uu ku sugnaa gudaha magaaladaasi waxaana ay ku bilaabeen rasaas taasi oo uu  u dhintay ganacsadahaasi soomaaliga ah.

Burcada ayaa waxa ay bilaabeen dilka ka dib in ay rartaan dhammaan hantidii uu haystay ganacsadaha iyagoo qaatay dhammaan wixii agab yaalay gudaha dukaanka ay ugu galeen waxaana ay jabsadeen qasnadii lacagta ee allaha u naxariistee ganacsadaha ay ku dileen dukaankiisa.

Dilka markii uu dhacay dhacana ay gaysteen Burcada ayaa waxaa goobta soo gaaray Booliiska dalkaasi K/Afrika gaar ahaan kuwa Magaaladaasi Porth Elizabeth waxaana ay bilaabeen baaritaan xilli ay burcada la baxsadeen gaari ay ku rarteen hantida ganacsadaha ay dileen.

Soomaalida dagan Magaalada Porth Elizabeth ayaa walaac ka muujisay dilka iyo dhaca xalay ka dhacay magaaladaasi waxaana ay saaka aaseen ganacsadihii xalay lagu dhex dilay dukaankiisa waxaana soo baxaya walaac ku aadan in dilal kale ay dhacaan.

Xiligan ayaa waxaa soo kordhay dilalka ka dhacaya dalkaasi waxaana la aaminsan yahay in Burcada ay doonayaan dhaqaale ay ugu dabaal dagaan Sanadka Cusub iyo xiliga Kirishtanka oo hadda la joogo wallow taasi ay saamayn muuqata ku yeelato ganacsatada Soomaaliyeed.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]