Bartamaha (Muqdisho):- Allaha u Naxariistee waxaa Xalay dil loo gaystay Ganacsade Aadan Hilowle Qarabax oo ahaa ganacsade si weyn iyada oo dhaawac uu gaaray Haweenay ganacsata ah oo lagu magacaabo Shariifa Cadow.
Wiirarkan oo ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa shalay gabal dhicii lagu weeraray gaari ay wada saarnaayeen Labadan qof oo ganacsatada Islii laga yaqaana ah iyada oo koox Burcad ah ay u galeen wadada ka dibna ay dil iyo dhaawac gaysteen.
Gaariga Burcada heshay ayaa waxaa wada saarnaa Ganacsade Aadan Qarabax oo ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood Kenya ,Shariifa Cadow oo iyana ah Haweenay ganacsata ah iyo Cabdi Nuur Sheekh Axmed Caraay oo isaguna ahaa Gudoomiyihii Isbitaalka Ceel dheer ee dalka Soomaaliya oo hada jooga Kenya.
Saddexdan qof ayaa waxaa gaariga ay saarnaayeen soo weeraray rag Burcad in ay ahaayeen loo badiyay kuwaasi oo wada aad u xun u galay ka dibna toogasho u gaystay Allaha u Naxariistee Ganacsade Aadan Qarabax oo goobka ku dhintay Halka Shriifa Cadow uu soo gaaray dhaawac dhanka gacanta ka gaaray wallow uu badbaaday DR.Cabdi Nuur Sheekh Axmed Caraay.
Waxaa dhaawaca iyo maydka isla xalay loola cararay Isbitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi waxaana soo hagaagaya Xaalada Shariifa Cadow oo dhaawaca gaaray iyada oo Dr.Cabdi Nuur Caraay uu ka gaabsaday faahfaahinta qaabka wax u qabsadeen wallow la furtay dhammaan wixii hanti ay wateen.
Goobta Isbitaalka ayaa waxaa gaaray Madax sare oo uu ku jiray Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore Ee Soomaaliya iyo Xildhibaano iyo masuuliyiin Nairobi ku sugan iyo dad Kun qof ku dhow oo booqasho ugu tagay dhaawaca gaaray Haweenayda ganacsatada ah.
Saaka ayaa aaska Allaha u Naxariistee Ganacsade Aadan Qarabax waxa uu ka dhacay Qabuura ku yaala Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya halkaasi oo ay gaareen rag madax dowlada ka tirsan ah iyo masuuliyiin Dowlada Kenya ka socday oo aaska ka qeyb galay.
Waa dilkii iyo Weerarkii ugu naxdinta badnaa oo mar qura Laba ganacsade oo aad looga yaqaano Xaafada Islii loo gaystay waxaana dhawaanahan soo badanayay Kooxo Burcad ah oo xiliyada qaar weerara dadka ganacsatada ah ee xaafada Islii ku sugan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
ala u naxariisto lakin wa la dilaye cadaynta suga tugo mahayne wa asasination waxaaane