Bartamaha(Hiiraan):-Gaadiid in mudda ah ku xanibnaa qeybo ka mida Gobolka Hiiraan ayaa dib u howlglay ka dib markii wadada xaladeeda ay caadi ku soo laabatay.
Wadooyin badan oo ka mida Gobolka Hiiraan ayaa go’ay ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobolkaasi kaasi oo sabab ka dhigay in shaqooyinka ay xanibmaan .
Wadooyinka Go’ay ayaa waxaa ka mid ahaa wadada u baxda dhanka Ethiopia taasi oo ganacsi badan uu ku xayirmay halkaasi iyadoo wadada ay biya dageen dhaqdhaqaaquna uu adkaaday.
Waxaa sara u kac uu ku yimid qiimaha la kala siisyo khudaarta ka timaada dhanka Itoobiya ka dib markii ay korodhay sicirkaasi wadada oo xerantay awgeed iyo ganacsiga oo adkaaday.
Wadada dib u furantay ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo walaac ka qabay sicirka khudaarta oo hawada sii galayay sababta la xiriirta wadada oo xiran awgeed.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.