Firxadka Wariyayaasha ka soo carara Muqdisho oo ku sii badanaya Hargaysa,Kampala iyo Nairobi.

Posted on Sep 23 2010 - 7:50pm by News Desk
Tweet
Pin It

radioBartamaha (Nairobi):- Firxadka wariyayaasha ka soo baxsanaya Magaalada Muqdisho ayaa ku soo badanaya magaalooyinka Hargaysa,Kampala iyo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa Magaalada Nairobi Todobaad walba soo gaaraya wariyayaasha ka soo firxanaya Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya markii Alshabaab iyo Xizbul Islaam ay istaageen caburinta saxaafadaxorta ah.

Wariyayaasha Nairobi soo gaaraya ayaa waxa ay yihin badankood wariyayaal ka soo kala cararay Idaacadaha Shabeele,IQK,Simba,Radio Banadir iyo kuwa kale oo dhammaan ka soo quustay shaqadii Muqdisho.

Muddo ka hor waxa Magaaladan soo gaaray Sawir qaade ka tirsanaa Reuters,Wakiilkii Bartamaha,shaqaale ka tirsanaa TV-ga Universal iyo wariyayaal badan oo muddo ka hor soo gaaray Nairobi oo ay uga sii horeeyeen hurun wariyayaal horay u soo quustay ah.

Dhinaca magaalada Hargaysa ayaa wararka naga soo gaaraya ay sheegayaa in shaqaala badan oo idaacadaha dhawaan lala wareegay sida Horn Afric iyo GBC ay durbaba gaareen halkaasi si ay Muqdisho uga sii fogaadaan.

Dhanka kale Magaalada Kampala oo xilli hore ay u baxsadeen wariyayaal badan ayaa waxaa haatan magaaladaasi ku sugan dhowr wariye oo qaar ka mida ay dhawaan gaareen magaaladaasi si ay naftooda uga badbaadiyaan alshabaab iyio Xizbul Islaam.

Wariyayaasha Nairobi ku sugan ayaa noqday kuwa ugu fursada fiican waxaana ay si toos ah u wataan shaqooyinkooda caadiga ahaa iyagoo aan dareemin baqdintii shabaabka iyo Caburintii ay u bareereen kooxdaasi.

Inta badan suxufiyiintaasi ayaa waxa ay yihiin kuwa badankood aan shaqeynin marka laga reebo qaar kooban oo wakiila u ah shirkadaha warbaahinta oo ay ka tirsanaayeen halka kuwa badan lagu arko wadooyinka iyagoo noqday biil sugayaal aan shaqa lahayn.

Abdirizak Kampala

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]