www.Bartamaha.com :- Guddiga Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka , FIFA ayaa shaaciyay in ay bixin doonaan 1 million oo dollar taas oo lagu caawinaayo gaajadda ka jirta Soomaaliya, lacagtan ayaa loo marsiin doona Ururka Caalamiga ee laanqayrta Cas.
War murtiyeed ka soo baxay FIFA Khamiistii ayaa waxa lagu sheegay in lagu wareejin doono Laanqayra Cas ,waxana ay u isticmaali doontaa in la siiyo dadka ugu liita ee u baahan in la baadiyo.
Seddax meelood mid ka mid ah lacagta waxa loo qoondeeyay in lagu soo iibiyo iyo lago soo qaad cuno taas oo lagu maareen doono 150,000 qof mudo hal bil ah “ ayaa lagu sheegay warmurtiyeedka.
Xiriirka Soomaaiyeed ee Kubadda Cagta ayaa sheegay in arrin weyn ay tahay FIFA in ay kaalmadda ka qayb qaadaneyso
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia