Bartamaha (Muqdisho):-Ra’iisul Wasaare Farmaajo ayaa kulan isbarasha ah la yeeshay Golihiisa Wasiirada Cusub xilli saacada uun ay ansax yihiin Wasiiradaasi islamarkaana jagooyinkooda loo dhaariyay.
Sida lagu cadeeyay war-saxaafeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Farmaajo waxaa kulan muddo yar socanayay uu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaasi oo ay isku baranayeen wasiirada la doonayo in ay wada shaqeeyaan.
War ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya:-
Waxaa shir isugu yimid 28.11.2010 Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Shirkaas waxaa guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu golaha u jeediyay hadal gaaban oo ku saabsanaa is barasho iyo Wasiirada cusub sidii ay ula wareegi lahaayeen xilalkooda.
“Waxaa nalooga baahan yahay dedaal iyo in aynu dardargelino hirgelinta qodobada weli qabyada ah ee Axdiga Qaranka iyo inaanu xooga saarno sida ugu dhaqsaha badan arrimaha soo socda, oo ay ka mid yihiin Amniga, Dib-u-heshiisiinta iyo sidii looga gudbi lahaa sida ugu dhaqso badan dowladda KMG ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu kaloo Ra’iisal Wasaaraha mahadnaq u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka kalsoonidii ay Xukuumadiisa iyo dadweynihii ka koobnaa bulshada qeybeheeda kala duwan ee Banaanbaxyada aan kala go’laheyn ku taageerayay si dowladda kalsooni ay u hesho.
Kolkaa kadib, Ra’iisal Wasaaraha oo hadalka siiyay xubnaha golaha qaarkood waxay sheegeen iyagoo tixraacaya dar daaranka Ra’iisal Wasaaraha inay mas’uuliyadda ugu weyn oo shacabku ka sugayo ay tahay waxqabad muuqda xaga Amniga, siyaasadeeda, dhaqaalaha, iyo Arrimaha Bulshada.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday Qaramada midoobay oo ay hogaaminayeen Bruno Mpondo-Epo oo madax ka ah xafiiska Siyaasada Soomaaliya ee Q/midoobay iyo Jonathan Sandy oo ah agaasimaha Amniga iyo horumarinta ee Xafiiska Siyaasada ee Q/midoobay.
Wadahadal ay yeesheen labada dhinac waxay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa Amniga dalka iyo sidii loo kordhin lahaa tababarka iyo aqoonta xoogaga ku howlan Nabadgelyada iyo Ammaanka dalka oo ay ugu horeeyaan ciidanka Xooga Dalka iyo Booliska.
Mudane Farmaajo wuxuu madaxda Q/midoobay u gudbiyay qorshaha xukuumada (Road Map) oo shirkii Madrid Spain lagu qabtay looga codsaday dowladda Soomaaliya inay muddo 60 cisho ah ku soo gudbiso Qorshaheeda Siyaasad, Dhaqaale iyo Bulsho, gaar ahaana Amniga iyo dib-u-heshiisinta mudadaas oo ku ekeyd 28.11.2010.
Madaxdaasi ka socotay Q/midoobay waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed oo ay ka wadahadaleen si wanaagsana isula qaadaa dhigeen Amniga dalka iyo horumarintiisa iyagoo sheegay in arrimahaasi ay yihiin kuwa ugu horeeya oo laga sugayo fulintooda Xukuumada cusub.
Xafiiska Afhayeenka Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya
Mudane Cabdi Xaaji Gobdon