Bartamaha (Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa daaha ka qaaday in uu tala siinayo shabaab iyo Xizbul Islaam.
Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka hadlayay qorshihiisa waxqabad ayaa waxa uu soo hadal qaaday in uu shabaab iyo Xizbul Islaam kula talinayo sida dadka loogu gargaaro.
“Tala fican ayan sinaya Shabab iyo Xizbul Islaam waxaana kula talinayaa in ay fududeeyaan gargaarka sidii loo siin lahaa Barakacayaasha ku dhiban duleedka Muqdisho ….” Ayuu yiri Farmaajo.
Masuulkan waxa uu xusay in Alshabaab iyo Xizbul Islaam uu tusaalaynayo dhibaatada haysata dadka ka barakacay guryahooda oo mudan in la garan qabto.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ugu baaqay labadaasi koox in ay gacan siiyaan dadka dhibanayaasha ah ee ku dac daraysan duleedka caasimada Muqdisho.
Hadalka Farmaajo ayaa imaanaya xilli shabaabka iyo Xizbul Islaam ay xilli hore iska diideen in hay’adaha gargaarka ay gacan siiyaan dadka dhibanayaasha ah ee dagaalada looga qixiyay guryahooda.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.