Faah Faahino Dheeri ah oo ka soo Baxeyso Duyuurad Sabtidii ku Burburtay Dalka Afghanistran

Posted on Aug 8 2011 - 7:41am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

fe890__54451526_54451525Muqdisho Bartamaha-(Afghanistan):- Mareekanka ayaa la sheegay in guul daradii ugu weyneed tan sanadkii 2001-dii waxa ay ka soo gaartay dalka Afghanistan ka dib markii duyuurad helicopter ah ay Talibaan ay ku soo rideen bariga dalkaas.

Saraakiil u hadlay dowladda Mareekanka ayaa sheegay in duyuuradda lagu tuuray gantaal, waxa ku dhintay 33-askar gaar u tababaran iyo todobo sarkaal oo Afghaniyiin ah.kuwaas oo ka soo laabtay howlgal ay soo sameeyeen.

Illaha Mareekanka ayaa sheegay in askartaas ay ka mid ahaayeen kuwii ka qayb galay howlgalikii bishii June Dalka Pakistan lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Laden,

Sarkaal u hadlay maamulka madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay duyuuradda in ay ummuuqato in la soo raday

Sarkaal u hadlay Nato oo ku sugan dalka Afghanistan ayaa u sheegay wargeeska New York Times in duyuuradda ay ku dhacday gantaal,

Talibaanka Afghanistan ayaa sheegtay masuuliyadda duyuurad ku burburtay bariga dalkaas.

Madaxweyne Hamid Karzai ayaa war saxafaadeed uu ka soo saaray shaley Xafiiskiisa waxa uu ku yiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga Afghanistan waxa ay tacsi iyo sida ay uga xun tahay i direysaa madaxweyne expresses Barack Obama iyo eheladda dhibanayaasha.,”.

Dalka Afghanistan waxa hadda ku sugan ku dhawaad 140,000 oo ah ciidamo shisheeye, 100,000 waa mareekan.

Dhamaan ciidamadda shisheeye ee halkaas jooga waxa ay howlgal kooda dagaalka uu dhamaan doonaa dhamaadka 2014-ka,

Dhacdan waa tii ugu xumayd ee soo gaartay askarta Mareekanka ee jooga dalka Afghanistan tan iyo markii howlgalka ay bilaabeen 2001-dii.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia

Warar iyo Warbixino lagu kal soon yahay ka dalaaco www.Bartamaha.com

Isha Wararka