Faah-faahin ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Masagawaay iyo Kooxda Alshabaab oo la wareegtay Deegaanka Gal-cad Ee Gobolka Gal-gaduud.

Posted on Aug 13 2009 - 2:13pm by News Desk
Tweet
Pin It

3714Bartamaha (Gal-gaduud):-Dagaaladii maanta ka dhacay Deegaanka Masagawaay oo hakad galay iyo Kooxda Alshabaab oo la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Gal-cad Ee Gobolkaasi Gal-gaduud.

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Masagawaay ayaa sheegaya in ay tahay mid dagan iyadoo Ciidamadii Alshabaab Ee weerarka ku soo qaaday deegaankaasi ay dib uga gurteen halkaasi.

Dhanka kale Dagaal xoogan ayaa la soo sheegayaa in  Xaraklada Alshabaab ay ku qaaday Deegaanka Gal-cad Ee isla gobolkaasi halkaasi oo maalmul ahaan ay haysteen Ciidamada Ahlu sunnah wal-jamaaca.

Dagaalka ka dhacacay Deegaankaasi ayaa ahaa mid aad u xoogan iyadoo la sheegayo in labada dhinac ay isdhaafsanayeen nuucyada rasaasta taasi oo keentay qasaara kala duwan oo shacabka gaaray.

Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegayaa in dagaalkaasi ay ku gacan sareeyeen taasi oo suurta gal ka dhigtay in ay la wareegaan Deegaankaasi Gal-cad oo ah deegaan ay dadku ku badanyihiin.

Xaalada ayaa ah mid aad u cakiran waxaana wararku ay sheegayaan in Ciidamada Alshabaab ay deegaankaasi ka sii gudbeen iyagoo u jeheestay dhanka Ceel-dheer iyo Cowsweyne halkaasi oo ay welli ku xooganyihiin Xoogaga Ahlu-sunnah wal-jamaaca.

 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.