Bartamaha (Muqdisho) Sargaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab ayaa maanta isku dhiibay Dowlada Soomaaliya isagoo weeraray qaab dhaqanka Alshabaab.
Sheekh Maxamed Sheekh C/laahi Qoorweyne oo ku shaqeynayay Magaca “Bakistaan“ ayaa maanta waxa uu si rasmi ah u sheegay in uu ku biiray Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.
Sargaalkan ayaa waxa uu taliye ka ahaa Ciidamada Alshabaab Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraan isagoo sheegay in uu go’aanasaday ku biiritaanka Dowlada Soomaaliya.
Sheekh Bakistaan ayaa waxa uu sheegay in Kooxda Alshabaab uu ku soo nacay shareecada Islaamka oo ay fududeesteen iyo Culimada Islaamka oo ay gaalnimo ku sifeeyeen sida maanta uu sheegay Sargaalkaasi.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Kaluumaysiga Prof.C/raxmaan Ibbi ayaa waxa ay si diiran u soo dhaweeyeen Sargaalkaasi Alshabaab ka soo goostay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.