Bartamaha (Muqdisho):- Waxaa soo baxaya faah-faahin buuxda oo laga helayo ismiidaamintii xalay ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa soo baxaya faahfaahin qaraxii xalay ka dhacay Villa Somalia oo qof naftiisa biimeeyay uu ku dhex qarxay Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom ee ilaalada ka ah Xarunta Mdaxtooyada Soomaaliya.
Qofka is qarxiyay ayaa lagu soo waramayaa in uu xoog ku galay albaabka madaxtooyada isagoo rasaas lagu furay ka dib isku dhex qarxiyay ciidankii doonayay in ay albaabka ka celiyaan taasi oo sababtay waxyeela ba’an.
Warar soo baxay saaka ayaa xaqiijinaya in ninka naftiisa qarxiyay uu ahaa mid ka mida ilaalada Wasiirka arimaha Gudaha Dowlada KMG ah kaasi oo doonayay in uu gudaha ugu sii galo Villa Somalia.
Ninka oo saaka qeybo ka mida jirkiisa laga soo qaaday madaxtooyada hareeraheeda ayaa waxa uu sababay qaraxa uu sameeyay dhimasho iyo dhaawac Dowlada ay beenisay in ay jiraan wallow warar xaqiiqda ku salaysan ay sheegayan askarta dowlada iyo kuwa amsiom waxyeela badan soo gaartay.
Waxaa saaka dadka loo diiday in ay galaan Villa Somalia waxaana la sheegay in ay soconayso baaritaan culus oo lagu samaynayo ninka is qarxiyay oo la ogaaday in uu Dowlada ciidankeeda muddo ka dhex muuqanayay.
Afhayeen u hadalay Villa Somalia iyo qoraal ka soo baxay wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in qaraxaasi aanu dhicin balse ay dileen nin doonayay in uu is qarxiyo markii ciidanka ilaalada madaxtooyada ay ka shakiyeen.
Qaraxan ayaa qeyb ka ah Ismiidaamin dhowr jeer oo hore ka dhacday magalaada muqdisho gaar ahaan saldhigyada muhiimka ah ee Dowlada KMG ah iyo Ciidanka Amisom oo marar badan ay dad isbiimaynaya ay isku qarxiyeen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika