Ethiopian xasuuqay Waxgarad iyo Haween Soomaaliyeed.

Posted on Jul 11 2010 - 8:16am by News Desk
Tweet
Pin It

xasuuq (1)Bartamaha  (Nairobi):- Ciidamada Ethiopia ayaa shalay laayay Waxgarad iyo Haween Soomaaliyeed gudaha Deegaanka Ceel dibir.

Ciidamo ka socday Dowlada Ethiopia ayaa shalay illaa xalay xasuuq u geysanayay Waxgarad,Cuqaal iyo Haween Soomaaliyeed gudaha Gobolka Wardheer Ee ka tirsan dhulka Ethiopia maamusho.

Xasuuqa ayaa yimid markii Ciidamada Ethiopia ay dagala la galeen dhalinyarada deegaanka Ceel dibir kuwaasi oo diidayay soo galitaanka Ciidankaasi.

Dagaalkaasi ka dib ayaa la xaqiijiyay in Ciidanka ay dilayeen dhammaan qof waliba oo ay ku arkaan gudaha Deegaankaasi Ceel dibir oo ka mida Gobolka Wardheer.

Illaa 18-ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dileen Ciidamada dadkaasi oo ay ku jireen Odayaal iyo Waxgarad aad looga qadarin jiray dhulkaasi iyadoo sidoo kale ay ku jiraan dadka la laayay Haween ay Ciidanka kufsadeen ka dibna ay dileen.

Sidoo kale Ciidanka waxa ay dhaawac kula dhaqaaqeen 25-ruux oo dhammaan rayid ah oo haatan dawo la’aan ay hayso dadkaasi la dhaawacay.

Xaalada deegaankaasi ayaa dagan waxaana isaga cararay dhammaan dhalinyarada iyo Haweenka marka laga reebo dadka lagu laayay gudaha Deegaankaasi.

Dhawaanahan waxaa waxaa ka taagnaa deegaankaasi khilaaf u dhexeeyay dhalinyarada deegaanka iyo Ciidanka Ethiopianka ah taasi oo sababtay xasuuqa dhacay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.