Duqeyn maanta loo geystay Xaafado ka mida Woqooyiga Magalada Muqdisho.

Posted on Feb 7 2010 - 3:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha(Muqdisho):-Xaafado ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta six un loo garacay xilli madaafiic kooban madaxtooyada lagu tuuray taasi oo keentay jawaabta qasaaraha dhalisay.

Duqeynta ayaa waxa ay timid markii madaafiic lagu garaacay Xarunta madaxtooyada Villa Somlalia iyadoo jawaabta ka soo dhacday ay sababtay dhimasho iyo dhaawac shacab badan gaartay.

Ku dhawaad 20-Madfac ayaa lagu dhiftay xaafadaha Suuq Bacaad iyo Deegaano kale oo ka mida Degmooyinka Boondheere Kaaraan iyo Huriwaa ee Magaalada Muqdisho oo qasaara shacabka uu ka soo gaaray.

Duqeynta maanta dhacday ayaa waxa ay ahayd midii ugu darnayd dhawaanahan iyadoo in ka badan 7-qof iyadoo 15-kale dhaawac ka soo gaarey kuwaasi oo istitaalada magaalada la dhigay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia