Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic Hoobiyayaal ah ayaa daqiiqado ka hor lagu garaacay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho iyo garoonka Diyaaradaha halkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray dad shacab ah.
Madaafic Hoobiyayaal ah ayaa lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli halkaasi ay ka soo daganayeen masuuliyiin ka mida Dowlada KMG ah ee Soomaaliya kuwaasi oo ka badbaaday duqeynta loo geystay garoonka Diyaaradaha.
Muddo daqiiqdo ka dib ah ayaa jawaab culus ay ka soo baxday Xarumaha Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ee Muqdisho taasi oo ku dhacday Isgoyska Baar Ubax iyo Woqooyiga Magaalada Muqdisho qeybo ka mida ah taasi oo shaca badan noloshooda galaafatay.
in ka badan 3-qof ayaa ku geeriyootay Madaafiicda ku dhacday Baar Ubax iyo Xaafada Suuq Bacaad Ee Degmada Yaaqshiid kuwaasi oo dhammaan ah dad shacab ah waxaana dhaawac ahaan lola cararay Isbitalada illaa 4-qof oo kale oo rayid ah.
Madaafiicda ayaa waxa ay dhacday duhurnimadii maanta xilli dadka ay shaqaqooda ku guda jireen waxaana mar qura laga kala cararay Suuqyada waaweyn ee Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo jawaabta Madaafiicda ay ku soo dhacday.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia