Dukaan Iibiye Lagu Dilay Koonfur Afrika.

Posted on Jul 20 2010 - 11:02am by News Desk
Tweet
Pin It

DILTOOGASHO-300x184Cape Town – Magaalada Cape Town ayaa waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo iibinaya mid kamida dukaamada Soomaalida ee degmada Nyanga ee dalka koonfur afrika.

Ciidamada booliiska Magaalada Capetown, gobolka western Cape ee dalka koonfur afrika ayaa baaritaano ku hayo labo nin oo lagu tuhunsan yahay iney toogasho ku dileen dukaan gade Soomaaliya oo lagu dilay degmada Nyanga subaxnimadii isniinta ahayd ee aynu soo dhaafanay.

Ruux u hadlay booliiska dalkaasi oo ah Captain Ntomboxolo Sitshitshi ayaa xaqiijiyay in mulkiilaha dukaanka oo aysan isagu waxa dhaawac ah isaga soo gaarin ayaa boolsiika dalkaasi u faahfaahiyay qaabkii ay wax u dhaceen.

Waxa uuna Mulkiiluhu sheegay in labadaasi nin ay soo weerareen dukaankooda oo ku yaalla xaafadda Vlei Sweet ayna ka dalbadeen wiilka geeriyooday oo 19 sano jir ahaa inuu khasab ku furo dukaanka albaabkiisa amniga si ay ugu gudbaan khasaanada lacagta ee dukaankaasi.

Waxayna wajiga ka toogteen wilkaasi geeriyooday xilli uu ku mashquulsanaa helitaanka furayaasha albaabka, iyadoo labada gaangiistar ee weerarka soo qaaday ay halkaasi isaga carareen kadib markii ay ku guuldaraysteen iney gudaha u gallaan dukaanka oo ay dhac u gaystaan.

Inkastoo tiro ganacsato Soomaalia ah laga dhacay dukaamadooda, qaarkoodna la dilay halka qaar kalana dukaamadoodii la gubay kadib markii waayadan dalka koonfur afrika si aadda looga hadal hayay naceybka soo galootiga, oo dhamaadkii koobka aduunka la sheegay inuu bilaabanayo, haddana boolisku waxay xaqiijiyeey in helitaankaasi uu yahay dembi islamarkaana uusan ku salaysnayn wax soo galooti naceyb ah.

Boolsiiku waxay xaqiijiyeen iney fureen kiis gacan ku dhiigle kaasi oo lagu baadigoobayo raggii gabankaasi dilka u gaystay, oo faldambiyeedkaasi gaystay..

Booliisku waxay dadka ku booriyeen ruuxii waxa xog ah ka hela tuugadaasi falka gaystay iney kusoo wargaliyaan xarunta booliska ee Nyaga oo laga soo wici karo 0213803320/3376 amaba sidoo kale xarunta la dagaalanka falal dambiyeedyada oo laga soo wici karo 0860010111.

Xigasho: News 24.