Dowladda Uganda oo Sheegtay Dagaaladdii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho in looga Dilay Askar

Posted on Aug 8 2011 - 11:55am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

 

ug-lgflag(Uganda:- The Observer)

Sida uu qoray wargeeska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda, ilaa 25- ka tirsan ciidamadda Uganda ayaa ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladda muqdisho.

 

 

Sida laga soo xigtay illo ku dhow Taliyaha Ugu sarreysa Ciidamadda Gaashandhiga dalka Uganda Gen Aronda Nyakairima waxa uu sheegay 85% in ay hadda MISOM maamulaan magaaladda mqudisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheik Sharif Ahmed, ayaa ku dhawaaqay sabtidii in ay ka guuleesteen Al-Shabaa ka dib markii muqdisho ay iskaga baxeen.

Wargeeska Daily Monitor ayaa Sabtidii waxa uu qoray afhayeenka AMISOM Maj Paddy Ankunda, oo sheegaya labo ciidanka Uganda in ay lagu dilay todobaadkii la soo dhaafay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaaladda muqdisho.

Ka hor inta aysan al-shabaab ka bixin magaaladda muqdisho, Sheikh Abdulaziz Abu Mus’ab, oo ah afhayeenka dhinac howlgaladda dagaalka waxa uu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladda muqdisho.

Uganda iyo Burundi ayaa ah dalal wadamadda Africa ku deeqay howlaha nabad ilaa linta Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Bartamaha .com Muqdisho Somalia