Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Kadib Markii labo maalin ka hor magaaladda muqdisho inta badan ay ka baxeen ururka al-shabaab, ayaa dowladda KMG soomaaliya waxa ay daaha ka rogtay qorshayaal amaanka magaaladda lagu xoojinaayo
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ahna La taliyaha Ra,isul wasaaraha Soomaaliya ee xagga Warfaafinta Eng Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” oo u waraamayay Idaacadda Afka Dowladda ku hadashay ayaa tilmaamay in Ciidamadan gaar ah oo sugaya ammaanka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo lagu go’aamiyey shirkii Golaha Wasiirada ay Shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu sheegay Yariisow in ay jiraan ciidamo gaar ah oo ka qayb qaadanaya gargaar qaybinta la keeno magaalada Muqdisho si aysan u dhicin wax qalalaaso ah,sidda tii dhawaan ka dhacday xeradda badbaado” ayuu yiri afhayeenka XKMG ah, waxa uu intaa raaciyay in ay intaasi oo idil ay barbar socon doonto maxakamad ciidamadaasi la shaqeyneeso.”
Egn. Yariisoow waxa kaloo uu sheegay in xukuumadda KMG ah Soomaaliya ay baaq u direeyso dhalinyarada ku ururka Al- Shabaab waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhalintaasi ay ka caawineyso dhan walba sida waxbarashada, wacyogalinta, iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Ugu danbeyntii waxa uu xusayafhayeenka XKMG ah in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo gollahiisa wasiiradda in ay hambalyo ay u dirayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo guul ka gaaray Shabaab”
Muqdisho Soomaaliya .