Muqdisho-(Uganda):- Sida uu qoray maanta oo talaado ah wargeeska Newvision ee ka soo baxa dalka Uganda Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayaa weydiistay dhigiisa Uganda Yoweri Museveni in u ogaalado ciidamo ka saara Al-shabaab meelaha ay kaga sugan yihiin muqdisho uu siiyo.
Ururka al-Shabaab ayaa todobaadkan bilowgiisa waxa ay iska baxeen muqdisho. laakin dadka siyaasadda soomaaliya yaqaana waxa ay lee yihiin waxa loo maleenayaa in ay rabaan in ay dib isku soo xoojiyaan oo dagaallo culus ay soo qaadan.
Ka bixitaanka kooxaha kacdoonka muqdisho waxa ay daba socotaa guulo ay ka gaarayeen ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM dagaaladdii ugu dambeeyya ee ka dhaay magaaladda muqdisho oo ay ku qabsadeen seddax goobo oo Istaraatiji ah.
Illaha Amaanka Dowladda waxa ay lee yihiin bixintaanka Al-Shabaab Muqdisho Dowladda TFG-da waxa ay u baahan tahay ciidan dheeri ah waqtigan oo sugga amaanka banaan ee muqdisho.”
Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem ayaa sheegay in labada hogaamiye ay shaley qaateen kulan kaa oo looga halaayay siddii AMISOM ee hadda jooga ay uga qayb qaadan lahaayeen badbaadinta Muqdisho.
Sida laga soo xogtay wasiirka, Madaxweyne Sheikh Sharif ayaa waxa uu ku aammanay madaxweyneMuseveni doorka uu ka qaatay nabad ku soo colinta Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray labada madaxweyne in ay ka hadleen talaabada xigga suura galka in mucaaradka ay muqdisho dagaallo kale ku soo qaadan.
Dhinaca kale Abaandulaha ciidamadda dhulka dalka Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa sabtidii sheegay wadankiisa in uu balan qaadayo ciidan dheeri ah oo taageeraya howlgalka ,Waxa aan u baahanahay ciidan dheeri ah iyo kuwa kale oo ka qayb qaata nabad ku soo celinta Soomaaliya.”
Dowladda Uganada ayaa raadineysa Gollaha Amaanka QM in kor dhiyaan waqtiga AMISOM ay sii joogayaan muqdisho si looga saaro al-shabaab muqdishoy ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Uganda..
labada Hogaamiye ayaa siddoo kale waxa ay ka hadleen siddii loogu boorin lahaa wadamadda kele ee ku jira Midowga Africa in ay ka qayb qaataan howlgalka Soomaaliya.
AMISOM ayaa hadda waxa ka jooga muqdisho 12,000 askari kuwaas oo kala socda wadamadda Burundi iyo Uganda waxa ay taageeraan Dowladda TFG.-da
Warbaahinta Uganda ayaa qortay shaley Madaxweyne Sheikh Sharif in uu rabo Uganda in ay soo dirto 3,000 ciidan dheeri ah kuwaas oo xasiliya Mogadishu.
Si kastaba Madaxweynaha waxa la socda ra’iisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Mohammed Ibrahim, ra’iisal wasaare ku xigeen aha wasiirka gaashandhiga Hussein Arab Isa, iyo wasiirka arrimaha haweenka iyo qooska Mariam Aweys Jama.
W/D: Wakiilika Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com
Muqdisho Somalia