Bartamaha (Nairobi):- Dowladaha Jabuuti iyo Guinea  ayaa lagu wadaa in Ciidan xoogan ay u soo diraan Dalka Soomaaliya si loo caawiyo Dowlada sii daciifaysa iyo Ciidanka ku sugan Muqdisho.
Dowlada Jabuuti Masuul u hadlay ayaa ka jawaabay dalabka Madaxda wadamada Afrika ay jeedinayaan ee salka ku haya sidii Ciidan loogu soo diri lahaa Dalka Soomaaliya oo dagaalo u dhexeeya Islaamiyiin Mintid ah iyo Dowlada uu ka socanayo.
Jabuuti waxa ay balan qaaday in Ciidan ka mid noqnaya Midowga Afrika ay diyaarisay dhawaana ay u dirayso Dalka Soomaaliya si dhibaatada looga sarao dalka Dowlada daciifka ahna loo badbaadiyo sida Dowlada Jabuuti ay sheegtay.
Kulanka Madaxda Afrika ee ka socnayay Kampala dalka Ugandha ayaa looga tashanayaa sidii Ciidan loogu Caawin lahaa dowlada sii taag dhigaysa ee Soomaaliya waxaana la dalbaday in Dalkaasi laga caawiyo dhanka ammaanka taasi oo qaar ka mida wadamada ay ka jawaabeen.
sidoo kale Dowlada Guinea ayaa dhankeeda waxa ay balan qaaday in Ciidan ay u dirayso Soomaaliya si dhibaatada looga dulqaado shacabka maalin walba ku dhamaanaya magaalada Caasimada ah ee Muqdishop oo dagala ay ka wadaan Kooxo Al-Qaacida la shaqeeya.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo ka hadlayay balan qaadka Dowladahaasi labada ah ayaa waxa uu sheegay in Midowga Afrika ay Caawinayaan Labadaas Dowladood Ciidanka ka socanaya ee la gaynayo dalka dagaalka uu ka socanayo Ee Soomaaliya.
Jean Ping Waxa uu dhammaan Dowladaha Caalamka ka codsaday in Afrika laga taageero dagaalka ka dhanka ah Al-Qaacida oo haatan soomaaliya ka socanaya iyadoo Madaxda Afrika ay ka tashanayaan sidii Wax looga badali lahaa dagaalka ka sii socda Soomaaliya.
Yabuuhida Ciidan iyo Balan qaadka Dowladaha Afrika ayaa waxa ay iska noqdeen kuwa afka ku kooban oo xilli waliba la sheego in la saacidayo Dowlada KMG ah iyadoo 4-Sano laga joogo xiligii si dhab ah loo dalbaday Ciidanka ka socanaya Wadamada Afrika.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.