Bartamaha(Muqdisho):-Masuul ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Wadanka Yemen ayaa sheegay in xiligan ay u baahantahay dowlada Soomaaliya in ay caawin ka hesho wadamada Khaliijka isagoo ugu baaqay dhammaan wadamadaasi in ay iska kaashadaan u gargaarida dowlada Soomaaliya.
Masuulkaasi ayaa wargayska Altowba u sheegay in dowladooda Yemen aanay xiligan si rasmi ah Ciidamo ugu direynin dalka soomaaliya balse ay doonayso in wadamada Jaamacada Carabta ay iska kaashadaan wax u qabashad shacabka waxyeelada ay dagaalada u gaysteen oo uu tilmaamay in ay u gurmanayaan.
Wargayska ayaa xusay in dowlada wadanka Yemen aanay u diyaarsanayn u gurmashada dal ka madaxbannaan wadanke4eda isagoo tilmaamay in ay caddeeyeen xubno dowlada ka mida in aanay marnaba Ciidanka Yemen aanay gal;aynin dalka soomaaliya.
Sida uu tilmaamay mid ka mida wasiirada Dowlada Yemen oo magaciisa ka gaabsaday xilliga uu la hadlayay wargayska Al-Towba ma jiraan diyaargarow xagga Ciidanka ah oo ay xiligan wado dowlada Wadanka Yemen isagoo xusay in aanay marnaba faragalinaynin kooxaha isku haya dalka soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay u taalo iyaga dhexdooda isfahamka dalka soomaaliya oo ay wadajoogaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia