Bartamaha(Sanca):-Dowlada Yaman ayaa dalbatay in la taageero Dowlada KMG ah ee Soomaaliya si nabad loogu soo celiyo Dalka ay dagaalada la dageen Ee Soomaaliya.
Ka dib kulan ay yeesheen Madaxweynaha Dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax iyo dhigiisa Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la isla meel dhigay in Soomaaliya taageera dhan waliba ah loo raadiyo.
Madaxweynaha Yaman ayaa wakalada Sabba News u sheegay in Caalamka looga baahanyahay taageerida Dowlada Soomaaliya islamarkaana ay Yaman dadaal xoogan u galayso taageerada Soomaaliya.
Cali Cabdalla Saalax ayaa balan qaaday in Dowladiisa aaanay waxba u reeban doonin taageerida Dowlada Shariifka uu hogaamiyo si nabad looga garo dagaalada Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.