Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Wadanka Yaman ayaa wadda qorshayaal ay ku xukumayso dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu Eedeeyay falal burcad Badeednima ah in ay ka wadeen gacanka Cadmeed kuwaasi oo shalay ka soo muuqday maxkamad ku taala dalkaasi.
Dowlada wadanka Yaman ayaa shalay maxkamad soo taagtay dhalinyaro soomaaliyeed oo lagu Eedeeyay in ay ahaayeen kooxaha Burcad badeeda ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.
Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee Shalay Maxkamad ku taala Magaalada Cadan la soo taagay ayaa gabi ahaanba waxa ay beeniyeen Eedeymihii loo soo jeediyay iyagoo sheegay in ay ahaayeen kooxo Kaluumaysata ah si qaldanna ay u soo qabteen Ciidamada Xeebaha soomaaliya jooga gaar ahaan kuwa Ruushka iyo India .
Kooxahaasi dhalinyarada Soomaaliyeed ah ayaa waxa ay qabsadeen qareeno u dooda kuwaasi oo shalayba ka hordifaacay maxkamada horteeda isla mar’ahaana dalbaday in dib loo baro dhalinyarada iyo waxa ay ahaayeen.
Maxkamadii shalay la soo taagay raggaasi ayaa waxa ay noqotay mid dib u dhacda isla mar’ahaantaana fasax loo siiyay ragaasi dhalinyada isdifaacday ahaa in xilli kale la maxkamadeeyo wallow ay arintaasi u dhowdahay in ay Yaman ku fashilanto Eedeymaha loo jeediyay 22-dhalinyarada Soomaaliyeed ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia