Bartamaha (Kampala) Dowlada Ugandha ayaa sheegtay in dhawaan ay weeraro ku qaadi doonto dhammaan goobaha ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ka dib fasax ay ka heleen Midowga Afrika.
Wasiirka gaashaandhiga Dowlada Ugandha oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Kampala ayaa sheegay in dhawaan Ciidamadooda ay bilaabayaan weeraro ay ku qaadaan Xoogaga Mucaaradka.
Wasiirka gaashaandhiga Dr.Crispus Kiyonga  ayaa sheegay  in Midowga Afrika uu awood u siiyay in ay weeraro qaadi karaan Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Ugandha .
Dr.Crispus Kiyonga ayaa tilmaamay in Ciidamada Ugandha ay awood u leeyihiin weeraro ay ku nabadaynayaan magaalooyinka Soomaaliya islamarkaana dhawaan ay Ciidamadooda noqondoonaan kuwa dhankooda weerarada qaada.
Dr.Kiyonga ayaa ugu danbayntii sheegay in loo baahanyahay gacan caalami ah si loo howlgaliyo dhammaan Ciidamada Dalkiisa ka jooga Soomaaliya isagoo wacad ku maray in ay soo afjari doonaan Islaamiyiinta dagaalada ka wada dalka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.