Bartamaha(Switzerland):-Baarlamaanka dalka Switzerland ayaa ansixiyay in dalka soomaaliya loo diro Ciidamo ka qeybqaata la dagaalanka Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya .
Dowlada Wadanka Switzerland ayaa shaaca ka qaaday in dalka soomalaiya ay xiligan u soo dirayso Ciidamada la dagaalanka Burcad badeeda si ay qeyb uga noqdaan howlaha ka socanaya xeebaha soomalaiya.
Kulan ay yeesheen baarlamanka wadanka Switzerland ayaa waxa ay kaga hadleen arimaha burcad badeeda iyo howlaha caalamka ay ka wadaan xeebah wadanka soomaaliya iyagoo isla meel dhigay in lala dagaalamo burcad badeeda.
Sargaal u hadlay waaxda difaaca dowlada Switzerland ayaa waxa uu sheegay in dhawaan Ciidamadooda ay u dhaqaaqayaan dalka soomaaliya islamarkaana ay ka qeybqaadanayaan dagaalka lagula jiro burcad badeeda.
 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.