Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo xertay dufcadii labaad Ciidamada Badda xilli kuwii hore Isbaaro badeed ay dhigteen Xeebaha Muqdisho.
Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay tababar muddo u socday Ciidamada badda Dowlada Soomaaliya oo dhawaanahan la dhisayay.
Munaasabada oo ay ka soo qeybgaleen madax sare oo Dowlada KMG ah ka mid ah ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay 300-askari oo muddo uu tababar ug socday magaalada Muqdisho.
Wasiirka Kaluumaysiga iyo qeyraadka Badda Prof.C/raxmaan Ibbi iyo Taliyaha Ciidamada Badda Admiral:Farax Qare ayaa waxa ay ka hadleen soo afmeerida tababarka Ciidanka Badda.
Tababarka lo soo xeray 300-askari ayaa waxa ay ku sheegeen madaxdaasi mid lagu doonayo wax ka qabashada ammaanka Xeebaha Dalka Soomaaliya islamarkana lagula dagaalamayo Burcad Badeeda.
Ciidamadii hore loo tababaray oo gaarayay 500-askari ayaa waxaa qaarkood loo xilsaaray ammaanka Xeebaha Muqdisho iyagoo bilaabay in ay lacago badda kaga qaataan Doomaha Kaluumaysiga iyo Maraakiibta ganacsiga.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.