Dowlada Soomaaliya oo qirtay in ay u taagweysay la dagaalanka Islaamiyiinta Soomaaliya.

Posted on Oct 5 2009 - 12:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

wasiBartamaha(Nairobi):-Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay quus ka taagantahay la dagaalanka Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya iyadoo Kaalmo Caaloami ah dalbatay.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya oo u waramayay wakaalada Wararka Ee Reuters ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ay awood u waayeen la dagaalanka Mucaaradka.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in Kooxaha Mucaaradka ay xiligan wadaan dagaalo dhexdooda ah balse taasi ay dheertahay rasaasta ay weli u soo ridayaan dhinaca Dowlada .

Wasiirka ayaa ka digay haddii aan la helin Caawin Caalami ah Xaalada Dalka Soomaaliya sida uu sii ahaan doono isagoo sheegay in Ciidamada Dowlada ay awood dhigeen.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Midowga Afrika ugu baaqay in ay soo dhamaystiraan Ciidamada Amisom si loo gaaro nabad galyo ka dhalata Dalka Soomaaliya.

Wadadkan Wasiirka Arimaha Gudaha noqday ayaa waxa uu yahay Saaxiibka ugu dhow Madaxweyne Shariif oo ku xigeen uu u ahaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka talinayay qeybo Soomaaliya ka mid ah ayaa xiligan waxa uu si weyn ula yaabay dagaalada aan dhamaadka lahayn.

Waa hadalkii ugu horeeyay ee quus muujinaya ee ka soo baxa Madaxda Dowlada iyadoo xilli hore ay digniin ka soo saareen Xalada dalka sida ay sii ahan doonto hadii aan wax laga qabana dagaalada Kooxaha Mucaaradka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.